Weeraro Madaafiic & Qaraxyo ah oo ka dhacay Muqdisho {Dhageyso}

Muqdisho (KON) - Ugu yaraan 5 Ruux oo Shacab ah, ayaa la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen Weeraro Madaafiic & Qaraxyo ah oo ka dhacay qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho.
Warar Keydmedia Online
Weeraro Madaafiic & Qaraxyo ah oo ka dhacay Muqdisho {Dhageyso}

Gudoomiyaha Degmada Xamar Jajab Axmed Cusmaan Dhoore, ayaa Radio Kulmiye u sheegay in 5 Qof oo Caruur ay ku jirto ay ku dhaawacmeen Hoobiyaal Xalay Degmada ku soo dhacay, kuwaasi oo aan la ogeyn cida soo riday.

Wararka ayaa sheegaya in Madaafiicdii Xalay ku dhacday Degmadaasi lala bartilmaameedsanayay Dekedda Caalamiga ah ee Muqdisho, balse ay qaldeen kuwii ridayay kadibna ay ku garaaceen Xaafadaha Dadka Shacabka degan yihiin. 

Sidoo kale, Dhowr Goobood oo ku yaalla isla Degmada Xamar Jajab waxaa ay ka dhacay Weeraro Qaraxyo ah oo ay geesteen Rag watay Gaari nooca Raaxadda ah (NOAH), kaasi oo Bambaanooyinka gacanta ku tuuray Saldhigyo ay leeyihiin Ciidanka Nabad Sugida. 

Weeraradii Xalay ayaa yimid saacado kadib markii Shalay ay Golaha Wasaairadda ay Xilkii ka qaadeen Agaasiimihii Hay'adda Nabad Sugida Qaranka, C/llaahi Sanbaloolshe markii sida uu sheegay Afhayeenka Xukuumadda Ridwaan Xaaji Xilkiisa gudan waayay. 

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

Hoos ka Dhageyso Goobjooge & Gud. Xamar Jajab: