Koonfur Afrika: In ka badan 30 Soomaali oo lagu dilay muddo 5 Billood

Dalka Koonfur Afrika waxaa ka socda weerarro Ajaanib-nacayb ah, waxaana sii kordheysa tirada dhimashada Soomaalida halkaasi ku nool.

Warar Keydmedia Online
Koonfur Afrika: In ka badan 30 Soomaali oo lagu dilay muddo 5 Billood

CAPE TOWN, South Africa - Kooxo burcad ah oo u dhalatay Koonfur Afrikaan ayaa goob ganacsi oo ku taal xaafadda Soomaalida ee Bellville ee magaalada Cape Town waxa ay ku dileen ganacsade Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Yuusuf Ibraahim Saamacadde, iyadoo dilkan uu noqonayo kii ugu dambeeyay weerarro lagu bartilmaameedsanayo ganacsatada Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa isla todobaadkaan Xaafadda Soomaalida ee Mayfair ee Magaalada Johannesburg lagu dilay Muwaadin Soomaliyeed oo magaciisa lagu soo gaabiyay Cabdikariin Gigis, dilkiisa ayaa la sheegay in ay ka dambeeysay xaaskiisa oo u dhalatay dalkaasi Koonfur Afrika una adeegsatay dilka bustoolad uu lahaa.

Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool waddanka Koonfur Afrika waxay ku jiraan xaalad adag oo marba marka ka dambeysa kasii dareysa, mana haystaan ilaalo Boolis oo iyaga iyo hantidooda difaac u ah oo ka badbaadin kara falalka bahalnimada ah ee lagula kacayo dhammaan ajaanibta ku dhaqan waddankaasi oo ay Soomaalidu ugu horreyso.

Keydmedia Online ayaa ogaatay in Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Koonfur Afrika ay wajaheysa dhibaatooyinkii ugu badnaa falalka ajaanibta-nacaybka ee ka dhanka ah muhaajiriinta ku sugan waddankaasi, waxeyna Jaaliyadda la xariirtay wasaaradda arimaha dibadda ee Soomaaliya, taaso wali aan ka hadlin dilalkaan. 

Guddiga Jaaliyadda Soomaalida ee Koonfur Afrika ayaa xaqiijiyey in muwaadiniinta Soomaaliyeed la beegsanayo oo ay sii kordheyso marba marka ka dambeysa weerarrada lagu qaadayo xarumahooda ganacsiga, kuwaasoo ay geysanayaan kooxo burcad ah oo hubeysan tan iyo bishii Janaayo ee sanadkan waxaana la dilay tiro ka badan 30 ruux oo ganacsato Soomaaliyeed ah.

Laba ganacsade Soomaali ah ayaa lagu dilay Khayelitsha, oo ah magaalo ku taal Galbeedka galabnimadii Sabtida, sida ay shaacisay Keydmedia English todobaadkii lasoo dhaafay. 

Wararka ka imanaya Koonfur Afrika ayaa tilmaamaya in Soomaalida ku ganacsata magaalada ay ku qasbanaadeen inay bil kasta siiyaan kooxaha gaangiska maxalliga ah lacago baad ah taas oo aan ahayn canshuurta dowladdu qaadato, waxeyna qeyb ka tahay lacagtaasi kuwa sharci darrada ah ee laga qaato Soomaalida.

Muwaadiniin Soomaaliyeed ayaa naftooda ku waayey weerarada ajaanib naceybka ah ee ka dhacayey Koonfur Afrika sanadihii la soo dhaafay iyadoo burcad hubeysan oo maxali ah ay ku eedeeyeen ajaanibta inay qabsadeen shaqooyinkii yar-yaraa.

Ciidamada amaanka ee Koonfur Afrika ayaa wajahaya eedeymo la xiriira in ay ku lug leeyihiin dilka Soomaalida maadaama ay iska dhega tireen baaqyo loo soo jeediyay oo ahaa in ay muwaadiniinta canshuur bixiyayaasha ah iyo ajaanibta sharciga ku joogta waddanka ee sidoo kale canshuur bixiyayaasha ah ay isku si u ilaaliyaan.

Waddanka Koonfur Afrika ayaa noqonaya kan ugu badan ee gudihiisa ay ka dhacaan weerarrada Ajaanib-naceybka ah ee qaaradda Afrika weli ka socda.

Ajaanibta ugu badan ee lagu waxyeelleeyo waddankaasi waxay ka kala yimaadeen labada qaaraad ee Afrika iyo Aasiya, waddanka ugu badan ee lagu dhibaateeyo dadkiisa ayaa noqonaya Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.