Weriye Cabdullaahi Kulmiye oo Maalintii labaad u xiran DF

Wariye Cabdullaahi Kulmiye Caddow oo Wareysi ka qaaday Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Caddaan ayaa sharci la'aan maalintii labaad u xiran Dowladda Federaalka Soomaaliya. 

Warar Keydmedia Online
Weriye Cabdullaahi Kulmiye oo Maalintii labaad u xiran DF

Wariye Cabdullaahi Kulmiye Caddow oo kamida shaqaalaha idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa shalay saqdii dhexe Ciidamada Nabad Sugidda ee NISA waxay gurigiisa kala baxeen. 

Wariyaha ayaa wuxuu u xiran yahay NISA, kadib markii uu wareystay Ganacsade Abuukar Cumar Cismaan, oo taageeray fikirka Al-Shabaab.

Arintaan ayaa loo arkaa xadgudub loo geysanayo xoriyatul qowlka, loo geysanaya xoriyadda shacabka, loo geysanayo dastuurka, lagu caburinayo xuquuqda bini'aadamka. Arinta muhimka ah oo wariyahaan loo xiray ayaa la aaminsayahay in ay tahay in la 'uleeyo' Radio Kulmiye, la handado halka idaacad oo Soomaali oo dhan ay wad dhageysato oo ka cod dheer Radio Muqdisho, dadkuna ay jecelyihiin, aadna ugu xiranyihiin.

Agaasimaha guud ee Keydmedia Online oo arintaan ka hadlay ayaa yiri: "Anakoo ah Keydmedia Online waxaan garab istaaganahay Wariye Cabdullaahi Kulmiye Caddow iyo Idaacadda Kulmiye".

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ugu baaqay Dowladda in si deg deg ah loo siidaayo Wariyaha, wuxuuna xarigiisa ku tilmaamay xaq-darro. 

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku eedeeyay xarriga Cabdullaahi Kulmiye Caddow taliyaha Nabad Sugida Fahad Yaasiin. 

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.