Wiil dhalinyaro ah oo Muqdisho lagu dilay

Waa wiilkii labaad oo isagoo wax baranayo bil gudaheeda lagu dilo degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, iyadoo hay'adaha amniga DF ay ku fashilmeen wax ka qabashadda dhibaatooyinkan dilalka ee soo kordhay.

Warar Keydmedia Online
Wiil dhalinyaro ah oo Muqdisho lagu dilay

Muqdisho, Soomaaliya – Degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir waxaa xalay lagu dilay Allaha u naxariistee Cabdikaafi Aweys Maxamed oo kamid ahaa dhalinyarada aadka u fir-fircoon ee xaafada laga yaqaanay.

Dilka wiilkaan ayay wararku sheegayaan inay ka dambeeyeen kooxo hubeysan oo doonayay in ay Taleefonka gacanta ka qaataan, waxaana lagu soo waramaya in ay dilka kadib ay dablayda goobta isaga baxsatay.

Marxuumka la dilay ayaa sanad dugsiyeedkii 2016-2017 ka qalin jebiyay Dugsiga Sare, isagoo haatan kamid ahaa Jaamacadaha Muqdisho oo ka dhiganayay Culuumta Caafimaadka, sida ay eheladiisa warbaahinta gudaha u sheegeen.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 25 September 2020 4:10

    Bajaajlayaasha waxaa la dilaa iyaga oo bixinaya canshuurtii dowladda, waana cadaalad daridda ka jirta Muqdisho sida uu Farmaajo xilka ula wareegay oo ku kalliftay dhalinyarro badan in ay gabi ahaamba dalka isaga tagaan.