Wiil dhalinyaro ah oo Muqdisho lagu dilay

Koox burcad ah ayaa dilay wiilkaan oo lagu magacaabo Axmed Xuseen oo ka mid ahaa dhalinyarada Muqdisho. 

Warar Keydmedia Online
Wiil dhalinyaro ah oo Muqdisho lagu dilay

MUQDISHO, Soomaaliya - Wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Axmed Xuseen ayaa xalay fiidkii lagu dilay xaafadda Buula Xuubey ee degmada Wadajir.

Sida ay sheegayaan goob joogayaal wiilkaan oo dhawaan Jaamacad dhameeyay ayaa waxaa dilay koox burcad ah oo doonayay In ay dhac u geystaan.

Ilaa hadda maamulka degmada Wadajir kama hadlin dhacdadaan, balse burcadda dadka Moobeelada gacanta ah ka dhaca ayaa maalmahaan ku soo badanayay Muqdisho. 

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.