Wiil Soomaali ah oo lagu toogtay Australia

Booliska waddanka Australia ayaa toogasho ku dilay wiil Soomaali ah oo ku sugnaa waddankaasi in muddo ah.

Warar Keydmedia Online
Wiil Soomaali ah oo lagu toogtay Australia

BRISBANE, Australia - Ciidamada Booliska ee  gobolka Queensland ee dalka Australia ayaa bartamaha magaalada Brisbane toogasho ku dilay wiil Soomaali oo da'diisa lagu sheegay 22 sano jir.

Wiilka ay boolisku dileen ayaa magaciisa lagu soo gaabiyay Raage Cabdi, Raage ayaa kamid ahaa qoysaska Soomaaliyeed ee waddnkaasi qaxootinimada ku galay, isagoo ahaa wiil dhallinyaro ah.

Booliska ayaa sheegay in wiilka uu ku hubeysnaa Mindi taasoo keentay in ay Boolisku toogtaan wiilka oo isku dayay in uu weeraro ciidamda oo amar ku siiyay in uu dhigo hubka, balse dhagaha ka fureystay.

Ciidamada ayaa amar ku bixiyay in ay toogtaan wiilka waxaana laba xabadooda looga dhuftay jirkiisa qeybta sare, sare-joogga ayuuna ka dhacay, isagoo goobta ku geeriyooday.

Aabaha dhalay wiilka la dilay ayaa sheegay in ciidanka booliska ay horay wiilkiisa ugu eedeeyeen dambiyo uusan galin, waxa uuna sheegay in uu qabay wal-wal ku aaddan goorta wiilkiisa ay dili doonaan ama ay xukun dheer sabab ugu noqon doonaan.

Inta badan dhallinyarada Soomaalida ee qaxootiga ku ah waddamada Yurub, Mareykan iyo Australisa ayaa dhibaato ku qaba ciidamada waddamadaasi oo inta badan si xaq darro ah ku xira, qaarna ku dila.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.