Wiil Soomaali ah oo Dad Talyaani ah Midi ku weeraray

Booliska ayaa gacanta ku dhigay, baaritaan ay ku sameeyeen ayay ku sheegeen in wiilkan Soomaaliga ah uu wadamada Yurub qaarkood tagay sannadkii 2015, afar dal oo ay ka mid yihiin Dermark, Hollan iyo Jarmalka, ,markii uu ka waayay wax aqbalaad ah uu Talyaaniga dib ugu soo noqday. 

Warar Keydmedia Online
Wiil Soomaali ah oo Dad Talyaani ah Midi ku weeraray

RIMINI, Italy - Wiil Soomaali 26 jir ah ayaa weerar uu u adeegsaday toorey ku dhaaawacay afar ruux, kaas oo ka dhacay magaalada Rimini ee ku taalla dalka Talyaaniga, xilli uu ku safrayay gaari bas ah, isaga oo aan wadan tikid.

“Wiilka ayaa wuxuu soo fuulay gaari Bas ah oo ay dadweynuhu raacaan, sida caadada ahna booliska dowladda hoose ayaa baaritaan sameeya, labo gabdhood oo dowladda hoose ka socda ayaa wiilka weydiiyay tikidka uu ku raaci lahaa baska, markii ay ka waayeenna, waxay weydiiyeen dukumentigiisa oo ku cad halka uu degan yahay si ganaax loogu soo diro, balse wixii ay filanayeen ma dhicin, tooreey ayuu la soo baxay oo labada gabdhood midna luqunta ayuu tooreey uga dhuftay tan kalena dhabarka, halkii wuu ka cararay intii uu wadada ku sii ordayay ayuu wiil yar iyo hooyadii dhaawacay.” ayay tiri Shukri Siciid oo ah saxafiyad Soomaaliyeed oo u shaqaysa Wargeyska The Republica oo ku sugan Talyaaniga.

Booliska ayaa gacanta ku dhigay Wiilkaan, wuxuuna haatan ku jiraa Xabsi ku yaalla Magaaladda Rimini. 

Baaritaan ay sameeyeen Booliska ayay ku sheegeen in wiilkan Soomaaliga ah uu wadamada Yurub qaarkood tagay sannadkii 2015, afar dal oo ay ka mid yihiin Dermark, Hollan iyo Jarmalka, markii uu ka waayay wax aqbalaad ah uu Talyaaniga dib ugu soo noqday. Sidoo kale waxay xaqiijiyeen in uusan xiriir la laheyn kooxaha xagjirka ah.

Wiilkan ayaa ku jiray ka hor falkan xero dadka ay ku sugaan sharciga dalkaas, waxaana loo sababeynayaa weerarkan uu geystay in uu isticmaalay nooc ka mid ah maandooriyaasha.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 18:56

Khabiir amni ayaa ku doodaya in loo baahan yahay in la furo baariska dilkii Injineer Yariisow, si xal loogu helo, xaaladda cakiran ee la xariirta baarista kiiska Ikraan Tahliil Faarax, iyo saraakisha kale ee NISA.