Wiil lagu toogtay Galhareeri

Galhareei(Keydmedia) Wararka aynu ka heleyno degmada Galhareeri ee gobalka Galguduud ayaa sheegaya in kooxda Axmed Godane ee halkaasi ka talisa ay shalay galinkii danbe meel fagaare ah ku toogteen wiil dhalinyara ah.
Warar Keydmedia Online
Wiil lagu toogtay Galhareeri

Wiilka la toogtay ayaa lagu magacaabi jiray Yaxye Mire Max’ed waxaana kooxda ay ku eedeysay inuu faraxumeyn kula kacay gabar 6-sano jir ah oo deegaanka isla markaana uu isaga 19 sano jir ahaa.

Inkastoo falkaasi lagu eedeeyay ayaa hadana waxaa la warinayaa in aanu jirin wax cadeyma ah oo la xiriira arinkaasi oo la soo bandhigay iyo marqaatiyo xaqiijinaya falka dhacay iyo sida uu u dhacay.

Falalka u badan dilalka loo sababeeyo danbiyo diinta ku qaladan oo aan marqaatiyo cad laheyn ayaa kooxdan si weyn ugu caan baxday iyadoona la wada xusuusanyahay in bishii tagtay gobalka Hiiraan ay ku tuugteen laba gabdhood oo ay ku sheegeen jawaasiis la shaqeyneysa dowladda iyo Itoobiya.

Www.keydmedia.net