Wikileaks: USA ayaa lahayeed Qorshaha Kenya Soomaaliya ku gashay

London (Keydmedia) - Wikileaks Shirkada Caankaa ee daaha ka feyda xogaha Siyaasadeed ee sirta ah iyo wax is dabamarinta maleegan ee ka dhaca Aduunka darfahiisa ayaa shaaciyey in Dowlada Maraykanku ay gacan weyn ka geysatey hirgelitaanka qorshihii ay Dowlada Kenya Ciidamadeedu Dalka Soomaaliya ku Qabsatay.
Warar Keydmedia Online
Wikileaks: USA ayaa lahayeed Qorshaha Kenya Soomaaliya ku gashay

Warbixinta Wikileaks ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowlada Maraykanku ay Kenya labo sano kahor uga digtey in ay duulaan ay keligeed ku tahay ku qaado Shabaabka- iyo Al qaacida

Wikileaks ayaa dhinaca kale isaga oo soo xiganaya ilo wareedyo aan la shaacin qoray in Mas’uul sare oo ka tirsan dowlada Maraykanku uu madaxda Kenya kala arinsaday in ciidamada Kenya ay ku filan yihiin qabashada magaalada dekedda ah ee Kismaayo dhaqaalaha iyo howlgalada Shabaabkana xudun u ah, iyo in ay u baahan yihiin taageero ay ka helaan kooxo Maraykan ah oo dhinaca Taatikada iyo basaaska ka caawiya.

Arintaan waxaay ka hor imaaneysaa warkii Dawlada Mareykanka iska fagyntii ahaayd in usan USA waxba kala socon soo galitaanka Ciidamada Kenya iyo Dabadhilifyada horkacaya.

Keydmedia.net