Wufuud caalami ah oo ku soo qulqulaysa Muqdisho

Madaxweyne ku xigeenka South Sudan, Taban Deng Gai, ayaa dhankiisa soo gaaray magaalada Muqdisho, isagoo ka mid ah Madaxda dalalka Gobolka ee ka qeyb galaya Munaasabada, waxaama soo dhaweeyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

News Keydmedia Online
Wufuud caalami ah oo ku soo qulqulaysa Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya – Waxaa caasimadda Soomaaliya ku soo qulqulaya wufuud caalami ah iyo kuwo heer gobol oo ka qeyb galaya caleema-saarka Madaxweyane Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu wado inuu berri oo khamiis ah ka qabsoomo Muqdisho.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayay ka socotaa soo dhawaynta martida ku soo qulquleysa Muqdisho, halkaasoo ay kusoo dhaweynayaan masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu hor kacayo Wasiirka Amniga XFS, Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Wakiillo ka socda Ururka Jaamacadda Carabta, Dowladaha Cumaan, Indonesia iyo India, ayaa kamid ah wufuudda timid saaka, halka Xildhibaan Yuusuf Xasan oo kamid ah Baarlamaanka Kenya iyo xubno kale oo ka socda Nairobi ay dhankooda soo xaadireen.

Madaxweyne ku xigeenka South Sudan, Taban Deng Gai, ayaa dhankiisa soo gaaray magaalada Muqdisho, isagoo ka mid ah Madaxda dalalka Gobolka ee ka qeyb galaya Munaasabada, waxaama soo dhaweeyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Guddoomiyaha ONLF Cabdiraxman Maadeey iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa sidoo kale soo gaaray caasimadda, xilli dhawaan golaha Golaha Wasiirrada XFS ay wax kama jiraan ka soo qaadeen go’aan ay Xukuunaddii Xasan Cali Khere ONLF ugu aqoonsatay Argagaxiso.

Dhanka kale, Madaxweynayaasha maamullada Jubaland, [Madoobe] Hirshabeelle, [Guudlaawe] iyo Koofur galbeed [Laftagareen] ayaa ku sugan Muqdisho, halka saacadaha soo socda la sugayo Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug, Qoorqoor iyo Siciid Deni.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa sidoo kale la filaya in ay ka soo qeyb gali doonaan caleema-saarka  MW Xasan Sheekh.

Booqashada Muqdisho ee qaar ka mid ah madaxda Afrika, gaar ahaan kuwa geeska, ayaa la rumeysan yahay in ay iba-fur u noqon doonto, wada-hadallo lagu xallinayo khilaafaad diblumaasiyadeed oo muddo aloosnaa, kuwaas oo ay abuureen kooxda xilka banneysay.

Xasan Sheekh Maxamuud, oo 15/05/2022, ku guuleystay, xilka ugu sarreeya dalka, ayaa hal ku dhig siyaasadeed ka dhigtay, “Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah” waxaana indhaha lagu hayaa sida uu xalliyo khilaafaadka diblumaasiyadeed ee taagnaa shan sano.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
News 1 July 2022 19:42

The directorate said that even with the resumption of the Somali market, they are still targeting European countries, which in 2014 banned the crop after it was classified as a drug.