Wufuud kusii qul-quleysa Garoowe

Wufuud kala duwan ayaa ku sii qul-quleysa magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland, si ay uga qeyb galaan shir weyne muhiim ah oo halkaas ka dhacaya

Warar Keydmedia Online
Wufuud kusii qul-quleysa Garoowe

GAROOWE, Soomaaliya - Xarunta Maamulka Puntland ee Garoowe waxaa ku sii qul-qulaya wufuud kala duwan kuwaasoo ka kala socota qeybaha kala duwan ee madaxda dalka iyo saamileyda siyaasadda Soomaaliya.

Gudoomiyaha Aqalka Sare aya gaaray saacado ka hor magaalada Garowe, wuxuuna kamid yahay madaxda lagu casuumay in ay ka qeyb galaan shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ee Machadka Heritage kaasoo la filayo in 28 -ka Disembar ay ka dhacdo magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Mursal iyo wafdi xildhibaano oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray goor dhaw magaalada Garoowe.

"Sidee looga bixi karaa ku meelgaarnimada daba-dheeraatay sanadka 2025?" Waa su'aal taagan oo la isku weydiin doono maalmaha uu shirku socdo.

Shirkaan waxaa looga hadlayaa xasilinta dalka, dhameystirka dastuurka, qabashada doorasho qof iyo cod ah iyo yagleelidda nidaam federaal ah oo shaqeynay, waxaana ka qeyb galaya qaar ka mid ah madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya madaxda dowlad goboleedyada, musharaxiinta mucaaradka, aqoon-yahano iyo xubno kale oo lagu casuumay shirka.

Toddobaadkan waxaa magaalada Gaalkacyo lagu soo gaba-gabeeyay shir Iskaashi ah oo u dhaxeeyay labada maamul ee Galmudug iyo Puntland, waxyaabaha looga hadlay waxaa kamid ahaa in xal laga gaaro siyaasadaha is diiddan ee ka dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, waxaana la qorsheenayay in ay isugu yimaadaan magaalada Garoowe.

Hayeeshee shirkan oo aad u miisaan culus ayaa laga yaabaa madax ka kala socota labada dhinac DF iyo Dowladaha xubnaha ka ah in ay ku kulmaan, inkastoo la leeyahay khilaafka ugu weyni wuxuu u dhaxeeya madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo, oo laga yaabo inuusan kasoo qeyb galin shirka iyo madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland, mana ahan khilaafkooda mid ay maamuli karaan ama ay go'aan ka gaari karaan madaxda kale ee dowladda sida Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mursal oo ka qeyb galaya shirka la filayo in uu ka furmo 28 ka Disembar magaalada Garoowe.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.