Xeer ilaaliyaha Qaranka oo u yeeray Maamulaha Soma Oil & Gas

Maamulaha Shirkadda Coastline ee hadda loo yeeray iyo Wasiirka Batroolka, waa isku beel, waliba qaraabo dhow ah, waxayna si wadajir ah uga shaqeeyn heshiis shidaal oo Farmaajo gadaal ka riixayay kaas oo bishii Febaraayo ka dhacay dalka Ingiriiska.

News Keydmedia Online
Xeer ilaaliyaha Qaranka oo u yeeray Maamulaha Soma Oil & Gas

MUQDISHO, Soomaaliya – Xaafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, Suleymaan Maxamed Maxamuud, ayaa u yeeray, Maamulaha Shirkadda Coastline Exploration oo horay loo oran jiray (Soma Oil & Gas), C/llaahi Shiikhey Baa-xasan, kaas oo ku eedeysan xaraashka shidaalka Soomaaliya.

Waraaq ka soo baxday Xaafiiska ku-xigeynka Xeer ilaaliyaha, Farxaan Xuseen Maxamed, ayaa C/llaahi Shiikhey, lagu wargaliyay inuu 04/4/2022, oo ku beegan Isniinta soo socota tago xaafiiska Xeer ilaaliyaha guud, si wax looga weydiiyo arrimo muhiim ah.

U yeeridda Shiikhey, ayaa ku soo beegantay, xilli uu Wasiirka Batroolka, Eng Cabdirashiid Maxamed Axmed, 15-kii bishii hore Coastline Petroleum, u saxiixay heshiis shidaal oo wax soo saar wadaag 7 xirmood ah, kaas oo wax kama jiraan lagu tilmaamay.

Maamulaha Shirkadda Coastline ee hadda loo yeeray iyo Wasiirka Batroolka, waa isku beel, waliba qaraabo dhow ah, waxayna si wadajir ah uga shaqeeyn heshiis shidaal oo Farmaajo gadaal ka riixayay kaas oo bishii Febaraayo ka dhacay dalka Ingiriiska.

Suleymaan Maxamed, oo ka jawaabaya, Gal-dacwadeed baaris ah oo uu u diray Hanti-dhawraha Qaranka, ayaa dhawaan sheegay, inuu amray Xeer-ilaaliyayaalna u magacaabay, si baaris loogu sameeyo heshiiskii shidaalka ee uu saxiixay Eng Cabdirashiid.

Kedmedia Online, ayaa baahisay, 3 March 2022, in Xaafiiska Xeer ilaaliyaha guud uu u yeeray, afar xubnood oo ka tirsan Guddiga Batroolka Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka ahaa, shaqsiyaadkii fududeeyay in shirkadda, C/llaahi Shiikhey loo saxiiyo heshiis shidaal.

Xubnahaas ayaa kala ah; Caasha Cismaan Axmed, oo Guddoomiye ku xigeyn ka ah, Hay’adda Bartoolka Soomaaliya, Cabdiqaadir Aadan Maxamuud, Ibraahim Cabdiqaadir Maxamed iyo Cabdixafiid Cali Dirir, waxayna 06/03/2022, tageen Xaafiiska Xeerilaaliyaha.

Maamulaha Shirkadda Coastline Exploration C/llaahi Shiikhey Baa-xasan, waxa ay aad saaxiibo u yihiin Ra’iisul Wasaarihii hore, Xasan Cali Khere, kaas oo xilka iyo saamigii uu shirkadda ku lahaaba ku wareejiyay markii uu noqda Ra’iisul Wasaaraha dalka.

Hantidhawraha Guud iyo Xeer ilaaliyaha Qaranka, ayaa labaduba caddeeyeen in heshiisku yahay mid sharci-darro ah, Farmaajo iyo RW Rooble, aya iska fogeeyay, wax ka ogaanshihiisa, hayeeshee, Wasiir Cabdirashiid ayaa sheegay in Farmaajo wax ka ogaa.

Hay’adda Lacagta Adduunka, Bankiga Adduunka, iyo Guddiyo maaliyadeed, ayaa hore uga digay in Soomaaliya xilligaan gasho heshiisyo shidaal, maadaama sharciyada taabanaya dhaqaalaha iyo dakhliga Soomaaliya aan weli la hor geyn Baarlamanka.

Cabdirashiid, wuxuu sheegay, in Coastline, looga fadhiyo in ay 30 cisho gudahood 7 milyan ku shubto Bangiga dhexe, hayeeshee, lacagta lagu qaatay [Signing bonus] ayaa ah $14 milyan, wuxuuna qariyay halka ay martay 7-bada milyan ee maqan.

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, Cabdirashiid Maxamed Axmed, ayaan wali la kulmin, wax xil-ka qaadis ah iyo dacwo ka dhan ah heshiiska uu saxiixay, taas oo abuureysa shaki la xariira in Rooble, wax ka ogaa saxiixa.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.