Xaaladda Guriceel oo aan cago badan ku taagneyn

Ahlu Sunna ayaa difaacyo adag ka sameysatay gudaha iyo dibadda magaalaadda, iyadoo dadkii shacabka inta badan ay u qaxeen tuulooyinka nabada ah ee G/Galgaduud.

Warar Keydmedia Online
Xaaladda Guriceel oo aan cago badan ku taagneyn

MUQDISHO, Soomaaliya - Magaaladda Guriceel, ee gobolka Galgaduud ayaa qarka u saaran inuu dagaal ka dhaco kadib markii ay dul-fariisteen Ciidamo kasoo duulay Dhuusamareeb.

Wararka Keydmedia ka helayso magaaladda ayaa sheegaya in Ahlu Sunna u diyaargarowday dagaalka, islamarkaana ay difaacyo adag ka sameysatay duleedka iyo jidadka laga soo galo.

Ciidan isagu jira Gorgor iyo kuwa Galmudug oo kaso ruqaansadey Dhuusamareeb, ayaa kaabiga ku haya Guriceel, iyadoo shacabka intooda badan ay u qaxeen tuulooyinka dhaw.

Xaaladda magaaladda ayaa ah mid aan cago badan ku taagnayn, waxaana laga cabsi qabaa inuu dagaal ku dhexmaray Ciidanka DF, kuwa Galmudug oo isku dhinac ah iyo Ahlu Sunna.

MD Qoor-Qoor ayaa lagu eedeeyay inuu soo xiray albaabadii wadahadalka, isagoo ka doortay nabadda in qoriga caaradiisa kusoo celiyo magaalooyinkii dhawaan laga qabsaday.

Wasiirkii hore ee amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Galgaduud maanta u baahnayn dagaal, islamarkaana aysan dadkeeda xamilo karin xiligan burbur iyo barakac kale.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.