Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
24-kii saac ee la soo dhaafay Maxamed Axmed Caalin M/weynaha Maamulka Galmudug waxaa uu ku jiray Koomo, waxaana lagu sameeyay qaliin dhanka Wadnaha iyo Kelyaha ah.
Bile Diini oo ka mid ah saraakiisha Maamulka Galmudug ayaa saaka warbaahinta u sheegay in xaalada caafimaad ee Caalin ay ka fiicantahay sidii uu shalay ahaa, waxaana uu wali ku jiraa Isbitaalkii qaliinka loogu sameeyay oo ku yaalla magaalada Nairoobi ee dalka Kenya.
Bile Diini waxaa uu sheegay in Caalin markii hore la filaayay in lagu soo daweeyo dalka Imaaraadka Carabta balse dib ayuu u dhacay qorshahaasi kaidb markii ay meesha soo galeen caqabado dhanka dhaqaalaha ah.
Caalin waxaa uu kamid ah lixda loogu yeero saxiixayaasha Road-Map-ka
Keydmedia.net - Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments