Sidee ku billowday dagaalka Muqdisho?
Wararkii ugu danbeeyay waxa ay sheegayaan in 16 Qof ay ku dhinteen Qaraxa, halka 48 Qof oo u badna Shacab ay ku dhaawacmeen. Qaar kamid ah Wafdigii la socday Axmed Madoobe ayaa Qaraxa kasoo gaaray dhaawac.
Qaraxaan oo ahaa mid Ismiidaamin ah, ayaa markuu dhacay kadib waxaa Hawada laga saaray Isgaarsiinta Magaalada taasi oo adkaynaysa in si dhab ah loo ogaado Khasaaraha Weerarka iyo Xaaladda halka ay marayso.
Inkastoo markii hore la Faafiyay in Axmed Madoobe uu ku dhaawacmay Qaraxa, hadana Saacado kadib wuxuu sheegay asigoo Shir Jaraa'id qabtay in uu ka badbaaday Qaraxa.
Sh.Axmed Madoobe oo xilligii uu shirka jaraa'id qabanayay ay xaaladiisu caafimaad ahayd mid Wanaagsan, ayaa sheegay in aysan jirin wax dhibaato ah oo kasoo gaartay qaraxii lala eegtay kolonyadii uu la socday.
Kooxda Al shabab ayaa ku sheegay Bartooda Twitter-ka inay iyagu ka danbeeyeen Weerarka lagu qaarijin lahaa Axmed Madoobe xilli isaga iyo Wafdigiisa oo Muqdisho ka yimid ay marayeen meel ku dhaw halka loo yaqaan Aargada.
Cabsi ayaa laga dareemayaa Saakay Magaalada Kismaayo, waxaana Dariiqyada iyo Suuqyada Magaaalda lagu arkayaa Maleeshiyaadka Raaskambooni.
Keydmedia Online - Xafiiska Kismaayo
Add comment
Comments