Xaaladda Amni ee Galmudug oo sii Xumaanaysa

Xaaladda Amni ee ka jirta deegaanada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sii xumaanaysa, kaddib markii toddobaadyadii u dambeeyay dilal iyo qaraxyo la dhigay bartamaha magaalooyinka ay ka dhaceen deegaanada Galmudug

Warar Keydmedia Online
Xaaladda Amni ee Galmudug oo sii Xumaanaysa

DUUSAMAREEB, Soomaaliya - Deegaanada uu ka taliyo maamulka Galmudug ayaa maalmihii u dambeeyay waxaa ku soo badanayay falal amni darro oo la xiriira dhammaan deegaanada Dowlad Goboleeka Galmudug.

Ciidamada ammaanta ayaa ku raad jooga nin geystay maanta dil ka dhacay bartamaha magaalada Caabudwaaq, dilka ayaa waxaa geystay nin ku hubeysan qori, waxa uuna dilay wiil dhallinyaro ah oo ku sugnaa magaalada bartamaheeda, qofka dilka gaystay ayaa isaga baxsaday goobta, ilaa iyo haddana laamaha ammaanka waxay la daalaa dhacayaan soo qabashada ninkan.

Laba maalin ka hor waxaa lagu dilay inta u dhaxaysa magaalooyinka Guriceel iyo Balambale saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ee ka howl gala deegaanada Galmudug, dilka saraakiishaasi lama oga cidda ka dambeysa, wararka qaar waxay sheegayaan in aano Qabiil loo dilay, taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ku tilmaamay fal ay geysteen kooxda Al-Shabaab, ilaa iyo hadda qof lagu soo eedeeyay in uu ka dambeeyay falkaa ayey laamaha ammaanka ee Galmudug soo qabteen, tiro kale oo dad ahna waa lagu raad joogaa.

Toddobaadkii horey ayaa sidoo kale dhabarka dambe ee Saldhigga degmada waxaa la dhigay Miino gacan ku sameys ah taasoo lala damacsanaa in lagu qarxiyo Saldhigga degmada, waxaana dadka deegaanka ay ka caawiyeen ciidamada ammaanka sidii loo fashilin lahaa qaraxa oo laga hortagay inta aan la fulin.

Toddobaadyadii ina dhaafay waxaa ka soconayay goobo badan oo Galmudug ka tirsan dagaal beeleedyo la xiriira dhul daaqsin iyo baraago, wasiirka amniga ee Galmudug iyo Madaxweyne Qoor Qoor ayaa ka maqnaa deegaanada intii ay dhibaatada ka socdeen, waxaana haatan Galmudug ay u muuqataa mid aan ku guuleysan in ay wax ka qabtaan dhinaca ammaanka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 3 August 2021 11:58

Waxaa la rumeysan yahay in Jibriil Saciid Cali Xuseen, ay gacantiisa ku maqan yihiin dad kale oo ajaaniib ah, kuwaas oo badankood la khaarijiyay kadib markii la isku fahmi waayay lacagihii ay Al-Shabaab u codsadeen madax-furashada.