Xaaladda COVID-19 ee dalka 24 saac ee la soo dhaafay

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay kiisaskii ugu dambeeyay ee kasoo kordhay Caabuqa Covid19.

Warar Keydmedia Online
Xaaladda COVID-19 ee dalka 24 saac ee la soo dhaafay

MUGDISHO, Soomaaliya - Caabuqaan saf marka ah COVID-19, ayaa malmihii la soo dhaafay si xowli ah u soo laaba kacleeyay Wasaaradda ayaana soo bandhigtay xogtii ugu dambeeyay ee Xaaladdaha soo kordhay.

Warbixinta COVID-19, ee maalin oo ah 16th February ayay wasaaraddu ku sheegatay in dadkii la baaray Laga helay 100 qof oo 92 ka mid ah ay joogaan Muqdisho.

Maamulka  HirShabaeelle ayaa laga soo wariyay hal qof, Jubaland ayaa Afar qof laga diiwaan galiyay halka Koonfur-Galbeed Saddex ruux laga helay.

Dadka COVID-19 laga helay 24-kii saac ee la soo dhaafay ayaa 63 ka mid ah wax ay yihiin rag halka 37 soo haray ay hiyiin Dumar.

Sagaal qof ayaa ilaa 24-kii saac ee la soo dhaaafay u geeriyootay cudurkaan, waxaana guud ahaan dalka laga helaya  5,373 qof, kuwaas oo 3,750 ka mid ah bogsadeen halka 163 u geeriyoodeen.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.