Xaaladda degmada Guriceel oo kacsan

Ahlu Sunna qudhooda ayaa wada diyaar garow xooggan, waxaana dhaqdhaqooda ciidan si weyn maanta looga dareemayaa gudaha degmada Guriceel.

Warar Keydmedia Online
Xaaladda degmada Guriceel oo kacsan

GURICEEL, Soomaaliya - Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Maamulka Galmudug ayaa ka soo ruqaansaday fariisimadoodii, iyagoo saldhigyo ciidan ka sameystay degaannada Bali-cad iyo Dumaaye oo 16 km u jira Guriceel.

Waxaa xaalad cakirnaan ay ka taagan tahay duleedka degmada Guriceel, halkaasoo saacadihii ugu danbeeyey ay soo gaarayeen ciidamo ka tirsan Dawladda Federalka iyo kuwa Maamulka Galmudug.

Ciidamada ayaa sida la rumeysan yahay ku soo wajahan degmada Guriceel oo ay si buuxa gacanta ugu hayaan Ururka Ahlu Sunna oo bilawgii bishan la wareegay degmadaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaa tan iyo bilawgii bishan magaalada Dhuusamareb ku daad gureyneysay Ciidamo Galmudug garab ka siiya dagaalka ka dhanka ah Urur diimeedka Ahlu Sunna, iyadoo qaar ka mid ciidankaasi lagu arkayo fariisimaha cusub ee ay degeen maanta.

Ahlu Sunna qudhooda ayaa wada diyaar garow xooggan, waxana dhaq dhaqooda ciidan si weyn maanta looga dareemayaa gudaha degmada Guriceel.

Dadka degaanka ayaa soo werinaya in saacadaha soo socda laga cabsi qabo dagaal xooggan oo ka bilawda duleedka degmada Guriceel, halkaasoo uu Maamulka Galmudug doonayo inuu qaab xoog ah gacantiisa ugu soo celiyo.

Gudaha Guriceel waxaa isaga barakacayey maalmihii tagay inta badan shacabka, kuwaasoo maciinsanayey tuulooyin hoos yimaada degmadaasi, waxana labada dhinac ay ka biyo diideen waan waan laga dhex waday todobaadyadii ina soo dhaafay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 December 2021 18:32

Boobkii doorashada ee sababay dilkii MW Soomaaliya iyo isku dhajintii xukunka ee keentay burburka dalka ayuu Farmaajo dib u soo celiyay, wuxuu diiddan yahay banneynta xaafiiska iyo hirgalinta doorasho xalaal ah.