Xaaladda Muqdisho oo xasilloon saakay

Magaalada Muqdisho oo shalay ilaa xalay saq dhexe ay dagaallo culus ka socdeen ayaa saakay xaaladdeeda daggan tahay, iyadoo dhinacyadii ku dagallamay ay kala sameysteen aagag hor leh

Warar Keydmedia Online
Xaaladda Muqdisho oo xasilloon saakay

MUQDISHO, Soomaaliya - Magaalada Muqdisho oo shalay ilaa xalay saq dhexe ay dagaallo culus ka socdeen ayaa saakay xaaladdeeda daggan tahay, iyadoo dhinacyadii ku dagallamay ay kala sameysteen aagag hor leh, ciidamada taabacsan siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa carra-tuur ka sameystay goobihii ay xalay difaaca uga jireen.

Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim oo ahayd halkii uu soo dagay shalay galinkii dambe CC Warsame ayaa weerar lagu soo qaaday iyadoo ciidamada Haramcad, Gorgor iyo Duufaan ay fuliyeen weerar u ekaa mid qorsheysan, waxaana ugu dambeyntii dib u gurtay ciidamadii dowladda oo la faray in ay dib ugu laabtaan fariisimadooda.

Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda xil gaarsiinta ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay saq dhexe farriin u soo diray shacabka, inkastoo uu sheegay in ciidamada dowladda ay gudanayaan waajibaadkooda, hadalkaasina ay dadku u fasirteen in wixii dhacay ay ahaayeen waajibaad saarnaa ciidamda dowladda oo weerar ku qaaday siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Isku socodka dadka iyo gawaarida waddada Maka-Al-Mukarama ayaa caadi kusoo noqotay, inkastoo goobihii xalay lagu dagallamay ay weli xiran yihiin, carra-tuur hor lehna laga sameeyay halkaasi.

Dhinaca Waqooyi oo shalay galab ay ka dhaceen dagaallo xooggan ayaa iyadana daggan, waxaana laamiga halka loo yaqaan Miranaayo gooyay ciidamo daacad u ah madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaan halkaasi ka billowday barakaca dadka shacabka ah ee ka ag dhaw goobihii la isku fara-saaray shalay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.