Kenya is Somalia’s true friend, says diplomat
In ka badan shan hoobiye oo dhawaqooda si xooggan looga maqlay, inta badan degmooyinka Koofureed ee Caasimadda ayaa habeenkii Khamiista ku daatay degmada Wadajir, gaar ahaan xaafadaha u dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
MUQDISHO, Soomaaliya – Hoobiyayaal habeen ka hor lagu garaacay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, ayaa geystay qasaare shacab oo xooggan, waxaana dhibaatada ugu xooggan gaartay qoys ka koobnaa Toban ruux oo dhimasho iyo dhaawac u qeybsamay.
Sida ay xaqiijiyeen ehelka qoyska, saddex ruux ayaa geeriyooday, halka ay Isbitaal Digfeer yaallaan Todobo ruux oo ay ugu daran tahay Hodan Saalax Xeyle oo saygeedii iyo gabar ay dhashay ku geeriyoodeen duqeynta, kuna jirta qeybta ICU-da.
Hodan waxaa laga gooyay labada lugood, waxaana lagu qalay cunug caloosha ku jiray, kaasoo qudhiisha firir ku dhacay caloosha hooyada uu lug ka jabiyay, halka wiil ay dhashay oo madaxa dhaawac ka soo gaaray ay sidoo kale xaaladdiisu aad u daran tahay.
Xaaladda qoyskaan ayaa aad looga deyrinayaa, waxayna u baahan yihiin garabka dowladda iyo dadka Soomaaliyeed, si xaaladda caafimaad ee qeyb ka mid ah dhaawacyada loogu raadiyo adeeg caafimaad oo dalka dibaddiisa ah, sida ay ehelladu sheegeen.
In ka badan shan hoobiye oo dhawaqooda si xooggan looga maqlay, inta badan degmooyinka Koofureed ee Caasimadda ayaa habeenkii Khamiista ku daatay degmada Wadajir, gaar ahaan xaafadaha u dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Madaafiicdaas ayaa la rumeysan yahay in loo waday teendhada Afisyooni, halkaasoo ay shalay ka dhacday xafladda caleema-saarka Madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay ka qeyb galeen inta badan madaxda waddamada dariska.
Duqeyntaas ma aysan sheegan Kooxda xiriika la aleh Al-Qaacida ee Al-Shabaab, waxaana jira warar hoose oo sheegay in ciidamada ammaanku qabteen rag la tuhunsan yahay in ay ka danbeeyeen tuuridda hoobiyayaasha, hayeeshee, dowladdu si rasmi ah uma xaqiijin.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments