Xaashi iyo Guuleed oo heshiis ka gaaray khilaafkii doorashada

Darafyada is-diidanaa muddada dheer ayaa ayaa si buuxda ugu heshiiyay in la soo afjaro khilaafkii u dhaxeeyay, in la mideeyo guddoonka iyo xubnaha guddiga maamulka doorashooyinka heer Somaliland.

Warar Keydmedia Online
Xaashi iyo Guuleed oo heshiis ka gaaray khilaafkii doorashada

MUQDISHO, Soomaaaliya – Guddoomiyahii Aqalka Sare ee muddadu ka dhamaatay, Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra'iisul Wasaare ku-xigenka Xukuumadda Xil-gaarsiinta, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa muddo dheer kadib soo af-meeray kala aragti duwanaan siyaaasadeed oo u dhaxeysay siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolada Waqooyi (Somaliland), sida ay ku caddeeyeen war saxaaafadeed ay dhawaan soo saareen.

Dhinacyada oo maalmaahn kulamo muhiim ah ku lahaa Muqdisho, ayaa ugu danbeyn gaaray go’aan fududeyn kara qabsoomidda doorashooyinka kuraasta Baarlamaanka 11-aad ay ku leeyihiin Gobollada Waqooyi, waxayna isku afgarteen afar qodob oo kala ah;

  • In la soo afjaro khilaafkii labada dhinac u dhexeeyey ee la xiriiray arrimaha doorashooyinka kuraasta labada aqal ee xildhibaanada ka soo jeeda Gobolada Waqooyi (Somaliland).
  • In la mideeyo Guddoonka iyo xubnaha Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Somaliland (GMDHSL), iyadoo Garabka Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullahi ay qaadanayaan Guddoomiye Ku-xigenka Guddiga iyo Madaxa Amniga iyo Logistikada.
  • In la soo afjaro iskooxeysigii iyo abaabulkii u dhexeeyey siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi (Somaliland) loona midoobo hirgelinta doorasho hufan oo aan daahitaan lahayn.
  •  In sida ugu dhakhso badan loo gudo-galo hirgelinta doorshooyinka kurasta labada aqal ee Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolada Waqooyi (Somaliland).

Qodobka ugu adag hirgalinta hannanka doorashoyinka dadban ayaa ahaa muranka ka dhex aloosnaa siyaasiyiinta Soomaaliland, waxaana dhowr jeer lagu guuldareystay in la fuliyo heshiisyo la galay.

Mahdi Guuleed, oo ku daaban Farmaajo, ayaa doonayay inuu kuraasta Soomaaliland u boobo shaqsiyaad ay Madaxtooyadu wadato taas oo in muddo ah uu hor taagnaa Cabdi Xaashi.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.