Xaaskii MW Cali Mahdi oo geeriyootay

Allaha u naxariistee Waxaa dalka kenya ku geeriyootay Raxmo Maxamuud Gacal oo ahayd xaaskii Madaxwaynihii hore ee dalka Cali Mahdi Maxamed.

Warar Keydmedia Online
Xaaskii MW Cali Mahdi oo geeriyootay

NAIROBI,Kenya - Waxaa duhurnimadii maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyootay Allaha u naxariistee Raxma Maxamuud Gacal, oo ahayd xaaskii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed, oo isaguna 10-kii bishaan ku geeriyooday isla magaaladaas.

Ehelada Marxuumada, Raxma Maxamuud Gacal, ayaa xaqiijiyay geerideeda, waxayna sheegeen in ay xanuunsanysay tan iyo markii xaalad caafimaad loo keenay Kenya iyada iyo Saygeedii Cali Mahdi Maxamed oo geeriyooday 16 cisho ka hor.

Inta badan Madaxda Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyay geerada ku timid Raxma Maxamuud Gacal, oo ka mid ahayd ganacsatada caanka ka ah Koofurta Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.