Xaaskii Meles Zenawi oo diidan iney ka guurto Madaxtooyada

Nairobi (KON) - Xaaska R/wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi ayaa diidan in ey ka guurto Madaxtooyada Dalka Itoobiya.
Warar Keydmedia Online
Xaaskii Meles Zenawi oo diidan iney ka guurto Madaxtooyada

Haweeneydii uu ka geeriyooday Meles Zenawi ayaa diiday kadib markii laga codsaday in ay xarunta u baneyso R/wasaaraha cusub ee Itoobiya iyo xaaskiisa.

Wargeysja Itoobiya ayaa shaaciyay in Azeb Mesfin lakala doorsiiyay Saddex guri oo waaweyn (Villa) ayadoo loo ballanqaaday in waxwalba loo sameeyo.

Azeb Mesfin ayaa xitaa diiday inay soo booqato guryaha loo diyaariyay.

Keydmedia Online - Xafiiska Nairobi