Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Shalay Waxaa gaaray No. 50 Wafdi Wasiiraa oo uu hor kacayo C/kariin Xuseen Guuleed Wasiirka Ar/gudaha xukumada Soomaalia, waxeyna kulamo gooni gooni ah ay la qaateen Odayaal iyo Waxgarad ka soo jeeda Gobolka Sh/hoose.
Waxana Labada dhinaca ay ka wada hadleen sidii loo kala qaadi lahaa Ciidamada iyo sidii xal kama danbeys ah looga gaari lahaa dagaalka Shabellaha hoose ka dhacay.
C/laahi Abyan Nuur Wasiirka Cadaalada Arimaha Diinta iyo Awqaata ayaa sheegay in ay Xabad joojin ay kala dhax dhigeen dhinacyadii dagaalamay islamarkaana ay ka la qaadeen Ciidamadii is diriray.
Wafdiga ayaa Rajo wanaagsan ka muujiyey in ay so oaf jaraan Xiisada Colaadeed ee Gobolka Sh/hoose oo uu ku soo laab laabtay Dagaal
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments