Xad-gudubka Xoriyadda Saxaafadda Somaliland

Maamulka Somaliland ayaa beegsi ku haya wariyeyaasha u shaqeeya Warbaahinta madaxa-banaan iyo abwaanada ka hadla midnimada Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Xad-gudubka Xoriyadda Saxaafadda Somaliland

MUQDISHO, Soomaaliya - Safaaradda Mareykanka ee magaaladda Muqdisho ayaa war kasoo saartey tacadiyadda joogtada ah ee Maamulka Somaliland kula kaco Suxufiyiinta madaxa-banaan ee ka howlgala degaanadeeda.

Qoraal bogga Twitter-ka soo dhigtay ayay Safaaradda ku sheegtay inay dowladda Mareykanka cambaareynayso xad-gudubka xoriyadda saxaafadda ee ka jira Somaliland, kadib markii la xiray dhowr xaruumo warbaahineed iyo wariyeyaal badan, oo qaarkood wali si sharci darro ah xabsiga ugu jira.

"Safaaradda Mareykanka waxay ku celinaysaa inay ka go'an tahay difaacida xoriyadda saxaafadda/ Waan cambaareynaynaa khatarta iyo xad-gudubka ka dhanka ah wariyeyaasha iyo saxaafadda xorta ah ee Somaliland," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Mareykanka ayaa ayaa ugu baaqey Somaliland hogaankeeda inuu xushmeeyo, ilaaliyo sidoo kalena difaaco xoriyatul-qowlka.

Booliska Somaliland ayaa xiray labadii sano ee lasoo dhaafay tobanaan qof, oo wariyeyaal, abwaanno iyo dhalinyaro xirtay dhar calanka Soomaaliya ku buufsan, oo lagu eedeeyay inay meel uga dhaceen sharafta madaxda maamulkaasi iyo gooni isu taagiisa.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.