Kenya finalising miraa trade deal with Mogadishu
Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ka dhacaya caleema-saarka Madaxweynaha 10aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku soo baxay doorashadii Madaxweyne ee dhacday 15 May 2022.
MUQDISHO, Soomaaliya – Xafladda Caleema-saarka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka billaabatay magaalada Muqdisho, gaar ahaa hoolka afisyooni oo ah halkii lagu doortay 15 May 2022, isla-markaana ku yaal xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
Dhacdadaan taariikhiga ah ayaa kulmindoonta Madaxweyneyaal, Hoggaamiyeyaal, Mas'uuliyiin sare oo ka socda dowladaha caalamka, Ergo mataleysa Ururada heer Gobol, heer Qaaradeed iyo kuwa Caalamka iyo Marti sharaf kale, taasi oo ka turjumaysa aragtida siyaasadeed ee Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, Ra’iisul Wasaaraha Dalka Masar, Mustafa Madbuuli, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, Madaxweyne ku xigeenka Koonfurta Suudaan, Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Imaaraadka, Shakhbout Bin Nahyaan, ayaa hadda ku sugan hoolka Caleema-saarka.
Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa isna soo gaaray Caasimadda, halka hore u soo xaadireen wakiillo ka socda waddamada; Turkiga, Boqortooyada Sacuudiga, dalka Qatar, Cumaan, Maleysiya, Indonesia, India, Ururka Jaamacadda Carabta iyo Wakiillada Beesha Caalamka.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Mudanayaasha BFS, dhamaan Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka ayaa ku sugan xafladda, marti sharaf kale oo xooggan oo Soomaali iyo ajaanib leh ayaana ka qeyb galeysa.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments