Xaliima Yareey oo la kulantay Safiirka Sweden

Safiirka iyo Gudoomiyaha ka wada-hadlay xaaladihii u dambeeyay ee arrimaha doorashooyinka Soomaaliya iyo isbadelladii dhacay, oo uu ku jiro heshiiskii doorashadda.

Warar Keydmedia Online
Xaliima Yareey oo la kulantay Safiirka Sweden

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Gudiga doorashooyinka Xaliima Yareey, ayaa xafiiskeeda ku qaabishay safiirka Sweden ee Soomaaliya Amb. Staffan Tillander. Safiirka iyo Gudoomiyaha ka wada-hadlay xaaladihii u dambeeyay ee arrimaha doorashooyinka Soomaaliya iyo isbadelladii dhacay.

Waxaa sidoo kale ay ka wada-hadleen geedi socodka dimoqaraadiyadeynta Dalka iyo tageerada Sweden ay ka gaysanayso dhismaha iyo tayanta Guddiga Madaxabannan ee Doorashooyinka Qaranka oo aasaas u ah geedi-socodka hanaan doorasho oo dimoqoraadi ah oo ka qabsooma Dalka mustaqbalka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.