Xamarweyne iyo howl gal ka dhan ah Maandooriyaasha

Muqdisho (Keydmedia.net) - Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada KMG ah gaar ahaan Booliska ayaa manta howl galo ay ku beegsanayaan maandooriyaasha waxa ay ka fuliyeen degmada Xamar weyne ee Gobalka Banaadir.
Warar Keydmedia Online
Xamarweyne iyo howl gal ka dhan ah Maandooriyaasha

Howl galkan ayaa sida uu sheegay taliyaha ciidamada Booliska ee Bartamaha gobalka Banaadir  Cali Gaab waxa ciidamada ay xabsiga dhigeen ilaa 12 ruux oo ay sheegeen in qaarkood ay iibinayeen kuwa kalana ay isticmaalayeen Maandooriyaha qeybahiisa kale duwan.

Walow ciidamada ay howl galkaasi fuliyeen ayaa hadana dhanka kale waxaa xusid mudan in badanka Ciidamada Dowlada gaar ahaan taliyaal sar sare ay isticmaalaan maandooriyaasha qaarkood.

www.keydmedia.net