Farmaajo oo doonaya in uu Isbaaro u dhigto Shirka Xalane 

Macluumaad Keydmedia Online ay heshay ayaa sheegaya in is-mari-waaga siyaasadeed ee Soomaaliya uu gaaray in meeshii ugu sarreysay, warbixintan waxaan ku eegi doonaa meesha uu marayo wadahadaladda ka socda Shirka Xalane.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo doonaya in uu Isbaaro u dhigto Shirka Xalane 

MUQDISHO, Soomaaliya - Is-mari-waagii doorashooyinka madaxtinimada Soomaaliya wuxuu gaaray halkii ugu sarreysay, markii la is yiraahdo xalka wuu dhawyahay, waxay noqoneysaa in dhibaato hore leh ay lugaha lasii gasho, waxayna ku dhawaatay quus in xalkii umadda Soomaaliyeed ay sugaysay uu meesha ka baxo, waa Warbixinta Wariyaha Keydmedia Online ee Caasimadda. 

Mar waliba waxaa muhiim ah in la helo Tanaasul (In lakala roonaado), hayeeshee taa baddalkeeda qolo kasta waxay qaadeysaa ficil ay ku dareensiineyso kooxda kale in aysan marnaba ogoleen in libinta si sahlan looga qaato, tanaasulkana wuxuu u ekaaday ceeb, qolo kastana ay ka carartay, taasina waxay keentay in xaaladdu sii cakirnaato.

Madaxda dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland waxay la dirirsan yihiin Madaxweyne xilkiisa dhamaaday ee Farmaajo, qolyaha kale ee soo haray Galmudug, Hirshabeelle iyo KGS waxay ku saf yihiin Farmaajo oo ugu manna-sheegtay inuu kursi u boobay saddexdoodaba, waxayna ku qasban yihiin in ay colaad loo soo meeriyay u qaadaan dhiggooda Jubbaland iyo Puntland.

Saciid Deni iyo Axmed Madoobe, hogaamiyaasha dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland waxay isku raaceen in Beesha Caalamku dhex-dhexaadiso, wada-hadalada Soomaalidana ay garwadeen ka noqdaan, goob ammaan ah oo aysan dowladda Farmaajo maamulina la dhigo gogosha, waxaana arrintaasi aqbalay Beesha Caalamka oo gogol ufidisay madaxda ku hardameysa siyaasadda dalka.

Way soo xaadireen labada madaxweyne ee mucaaradsan dowladda Farmaajo kulanka ay iclaamiyeen Beesha Caalamka, hayeeshee waxaa si hoose usoo baxay in Farmaajo uu farriin udiro Qoorqoor iyo Laftagareen, hogaamiyaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed, kuwaasoo ku maqan dalka dibaddiisa, waxa uuna ku dhiirri galiyay in aysan soo xaadirin kulanka ay iclaamiyeen Beesha Caalamka, waxaa kale ee uu u meeriyay in ay codsadaan in Shirku ka dhaco Villa Somalia, taasoo ay ogyihiin natiijadeeda oo noqoneysa in aysan aqbali doonin Madoobe iyo Deni.

Xaalkii doorashada iyo siyaasaddii dalka oo dhan halkaas ayey mareysaa, waxaana la isku riix-riixayaa masiirkii umadda, iyadoo koox waliba ay eeganayso danaheeda gaarka ah, madaxweynihii umadda ee sheegan jiray inuu noqon doono Nabad-doon Soomaaliyeed, wuxuu iska hor keenayaa Dowlad goboleedyadii isku siyaasadda iyo isku baahida ahaa, isagoo uga faa'iideysanaya awood ciidan iyo in uu abaal gashaday dhammaantood!

Kooxda Farmaajo ayaa dooneyso in ay fashiliyaan Shirka Xalane sida ay ogaatay Keydmedia Online, Cali Guudlaawe oo Muqdisho ku sugan muddo bil kabadan ayaa iska diiday in uu xaadiro goobta shirka, Farmaajo isna wuxuu aaminsan yahay inaysan sharaf u ahayn inuu ka qeyb galo shirka ay Beesha Caalamku Iclaamiyeen.

Guddoomiyaha gobolka Benaadir ee lasoo magacaabay iyo RW Rooble waxay sugayaan amarka Farmaajo in ay Xalane tagaan iyo inkale, halka Qoorqoor iyo Lafta-gareena ay isku maaweelinayaan safar dibadeed, waxayna qiil ka dhiganayaan in ay howlo caafimaad iyo arrimo kale ugu magan yihiin dalka Turkiga.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.