Jabuuti oo soo xirtay baaritaankii xiisadda Soomaaliya iyo Kenya

Dowladda Jabuuti ayaa isku xil saartay xal u helidda xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Warar Keydmedia Online
Jabuuti oo soo xirtay baaritaankii xiisadda Soomaaliya iyo Kenya

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, guddi uu u magacaabay xaqiiqo raadinta xiisaddan, kadib Shirkii urur Goboleedka IGAD ee bishii December ka dhacay magaalada Jabuuti ee isla dalka Jabuuti, ayaa soo gabagabeeyay howshooda.

Guddigaan oo ay horkacayaan safiirrada Jabuuti u kala fadhiya Soomaaliya iyo Kenya, Yaasiin Cilmi Buux iyo Aadan Xasan Aadan ayaa safaro ku tagay labada wadan gaar ahaan magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi.

Sida uu sheegay Danjire Yaasiin Cilmi Buux, dhanka Soomaaliya waxa ay la kulmeen wasiiru dowladaha xukuumadda ee Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Balal Maxamed Cismaan, iyo xog hayihiisa joogtada ah, Maxamed Calo-Nuur Xaaji.

Guddiggan ayaa sheegay in Soomaaliya ay miiska saaray dhowr qodob oo ay Kenya ka tabanayeen, sida in Kenya ku xad gudubtay madaxbannaanida hawada iyo badda, in ay taageertay maleyshiyaad,  iyo in ciidamadeeda jooga dalka aysan qaban howshii loo igmaday,

Dhanka Kenya waxa ay sheegeen in ay la kulmeen labada haween ee Rachelle Omamo iyo Monica Juma oo kala ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo wasiirka Gaashaandhigga, halka ay sidoo kale kulan la qaateen Robert Kibochi oo ah madaxa ciidanka difaaca Kenya.

Guddigaan xaqiiqo raadiska ah ayaa ugu danbeyn warbixinta ay diyaariyeen la wadaagay Madaxweynaha Jabuuti, waxaana la filayaa inuu Ismaaciil Cumar Geelle ku dhawaaqo natiijada loo soo gudbiyay.

December 15, 2020, Dawladda Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday inay xiriirkii diblomaasi u jartay Kenya, waxaana la dhowrayaa go’aanka xiga ee soo baxa maadaama guddiigii xog aruurintoodii soo gabagabeeyeen.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.