Xariga Xasan Daahir oo kulan laga yeeshay

Muqdisho (KON) - Xili uu wali xiran yahay Xasan Daahir aweys islamarkaana uu ku jiro Gacanta Dowladda Soomaaliya,ayaa waxaa arintiis kulan ka yeeshay Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaalia iyo Odayaasha Beesha Habar Gidir.
Warar Keydmedia Online
Xariga Xasan Daahir oo kulan laga yeeshay

Kulanka ayaa waxaa uu ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana ujeedkiisa uu ahaa sidii loo siideeyn lahaa Xasan Dahir Aweys.

Mid kamid ah Nabadoonadii kulanka ka qeyb galay ayaa Keydmedia u sheegay in kulanka intiisa Badan looga hadlay sida ugu macquulsan ee loosii deyn karo Xasan Daahir.

Nabadoonka ayaa sheegay in lagu balamay in mudo Asbuuc ah ka dib dib la iskugu soo laabto Arinta Sh Xasan Daahir Aweys laga Doodi doono.

Xasan daahir oo ka mid ahaa Saraakiisha Al-shabaab ayaa Mudooyinkaan ku xirnaa Magaalada Muqdisho, Gaar ahaa Dhismaha habr Khadiijo. Qaar kamid ah Beeshiisa ayaa marar badan ka codsaday Dowladda in lasoo daayo.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho