Xarigga Gurbiye iyo Gabood-falka ka dhanka ah Suxufiyiinta Soomaaliya

Maxkamadda ayaa go’aankeeda u cuskatay qodobka 368 ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed, kuna saabsan faafinta wararka been-abuurka ah [Fake News].

Warar Keydmedia Online
Xarigga Gurbiye iyo Gabood-falka ka dhanka ah Suxufiyiinta Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Tan iyo markii uu Farmaajo xukunka la wareegay February 2017, waxaa sii kordhayay handadaadaha, weerarada, iyo cagajugleynta ka dhanka ah Suxufiyiinta iyo warbaahinta madaxa-banaan.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Arbaco ah, July 29 xukun xabsi 6 bilood ah iyo ganaax lacageed oo $200 ah ku riday tifaftiraha warbaahinta Goobjoog Media Group, ee magaaladda Muqdisho.

Gurbiye ayaa lagu eedeeyay inuu bartiisa Facebook soo dhigay April 2020 qoraal oo ku eedeeyay Farmaajo inuu mashiinka neefta siiya bukaanadda COVID-19 soo riday [Ventilator] ka qaatey Isbitaalka Martiini.

Maxkamadda ayaa go’aankeeda u cuskatay qodobka 368 ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed, kuna saabsan faafinta wararka been-abuurka ah [Fake News].

Suxufiga wuxuu mudo bilooyin ah banaanka ku joogey damiin lagu soo daayay 18-kii April kadib markii uu 4 maalmood uu xirnaa, waxayna Maxkamadda ku amartay inuusan wax qoraal ah soo dhigi Karin bartiisa Facebook, illaa kiiskiisa go’aan ka gaareyso.

Xeer-ilaalinta ayaa saddex jeer bedeshay dacwadda Gurbiye lagu soo oogay, oo markii horey ahayd Sharaf-dil Madaxweyne, iyadoo markii dambe laga dhigay faafinta war been abuur ah.

Sanadkii 2019 waxuu u ahaa warbaahinta iyo warfidiyeennada Soomaaliyeed mid cabsi badan, waxaa weeraro bartilmaameedsi ah lagu beegsaday 81 suxufi, 53 xabsiga ayaa loo taxaabay, 2 suxufi waa la dilay, waxaa la xiray 7 xarumo warbaahineed, 12 suxufina dalka ayay ka carareen, kadib hanjabaado dil ah ay ku beegsadeen DF iyo Maamul Goboleedyada.

Ururada u dooda xuquuqda Saxaafadda ayaa ku eedeeyay Farmaajo xadgudubyo ka dhan ah suxufiyiinta iyo ku tumashadda xuquuqa dastuuriga ah, ee mawaadiniinta u leeyihiin inay helaan xog.

Waxaa jira walaac ku saabsan tallaabooyinka qallafsan, ee dawladda ku dooneyso inay ku caburiso warbaahinta iyo suxufiyiinta safka hore kaga jirto tebinta cudurka saf-marka ah ee Coronavirus.

Hay’adaha amniga DF ayaa is-hor-taag ku sameyneysa wariyeyaasha naftooda u huraya helista xogta iyo ku wargeliyaan shacabka macluumaadka saameynta ku leh noloshooda.

Doorka warfidiyeenada iyo suxufiyiinta waa mid lagu qeexay dastuurka Federalka KMG ah Soomaaliya, balse Farmaajo ayaa ka tallaabsaday sharciga, isagoo aamusin iyo caburin ku haya warbaahinta xorta ah.

Waxaa hadda laga walwalsan yahay nolosha tifaftiraha Idaacadda Hiigsi, Maxamed Cabduwahaab Nuur (Abuuja) oo ku jira xabsi go’doomin ah tan iyo 7dii Maarso, ee 2020.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.