Xarun lagu keydiyo Suugaanta iyo dhaqanka oo laga furay Dhuusamareeb

Dhagaxdhigga xarunta dhaqanka iyo suugaanta Abwaan Faarax Shuuriye ayaa galabtii Khamiista ka dhacay xaafadda Horseed ee magaalada Dhuusamareeb, gobolka Galguduud.

Warar Keydmedia Online
Xarun lagu keydiyo Suugaanta iyo dhaqanka oo laga furay Dhuusamareeb

Kulanka dhagaxdhigga waxaa ka qaybgalay madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, Senatarad Jawaahir Axmad Cilmi, Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Axmad Shire Falagle, guddoomiye ku xigeenka Amniga ee degmada Dusmoreeb Cabdi Xaashi Carroole, agaasimaha waaxda fanka iyo suugaanta ee Galmudug Shariif Xasan Tahliil ‘Shaaciye’

Xubno ka socday golaha abwaannada Soomaaliyeed oo uu hormuud u ahaa Abwaan Xersi Dhuux Maxamad, Maxamad Bashiir Midnimo oo ka mid ah xubnaha sarsare ee xarunta, xubno ka socday ururrada bulshada sida: Ubax Ugaas ‘Heegan’, porf Axmad Salaad Kulmiye oo metelayey bahda waxbarashada iyo dhaqanka degmada.

Kulanka ayaa habsimi iyo hagaag ku qabsoomay, iyada oo ka qaybgalayaashu xoojiyeen kaalinta xarunta hadda ay ku jirto iyo booska ay berri buuxindoonta, ee aqoon keydin iyo ogaal gudbin ah dhan walba.

Dhanka kale, waxay bulshada dhan ugu baaqeen in laga wada qaybqaato dhismaha xarunta iyadoon loo kala harin, maadaama ay tahay arrin filnaanteeda la awoodo.

Maamulka xarunta ayaa aad uga mahdiyey qabsoomidda dhagaxdhigga, isagoo hambalyeey guddiga qabanqaabada shaqada quruxda badan ee ay qabteen.

Sidoo kale, maamulku wuxuu sii xoojiyey baaqa madaxda iyo waxgaradka ee ahaa, in laga wada gacangaysto dhismaha xarunta.

Howsha Xarunta Dhaqanka iyo Suugaanta Shuuriye, waxaad kala socon kartaa boggooda Facebook.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.