Xarun hay’adeed oo lagu gubay Gedo [Sawirro]

Gobolka waxaa ka taagan xiisada u dhaxaysa Farmaajo iyo Axmed Madoobe, oo isku haya xukunka.

Warar Keydmedia Online
Xarun hay’adeed oo lagu gubay Gedo [Sawirro]

BAARDHEERE, Soomaaliya - Waxaa dab la qabad-siiyay xaruntii ay ku howlgali jirtay Bisha Cas degmada Baardheere, kaddib markii sida la sheegay mid kamid ah shaqaalaha lagu sameeyay shaqo joojin.

Muuqaallo laga soo qaaday xarunta ayaa muujinaya bur-bur xooggan oo soo gaaray xarunta, waxaana dadka degaanka ay sameeyeen gurmadka lagu daminayay dabka, balse ma aysan suuragelin.

"10 ruux oo uu hogaaminaayay Aadan Dhagool ayaa ka dambeeyay gubista xarunta. Aadan horey waxuu uga tirsanaa shaqaalaha caafimaadka ee Bisha Cas ee gobolka Gedo, balse dhawaan ayaa shaqo joojin lagu sameeyay,” sidaas waxaa Keydmedia u sheegay Maxamed Ibrahim Salaad oo ah gudoomiyaha Arrimaha Bulshada degmada Baardheere.

Weli wax war ah kama aysan soo saarin maamulka Bisha Cas oo ku aadan sababta keentay dhacdadan, waxaana aad uga xumaaday falkan dadka degaanka oo goobta ka heli jiray adeeg caafimaad oo bilaash ah.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.