Xasan Sheekh: Dowladdu Afar sano shaqo ma qaban

Xasan Shiikh wuxuu ku eedeeyey hoggaanka Madaxweyne Farmaajo inuu indhaha ka laabtay dalka in loo jiheeyo doorasho ka duwan tii 2016/17.

Warar Keydmedia Online
Xasan Sheekh: Dowladdu Afar sano shaqo ma qaban

Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aanay jirin shaqo ay qabatay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Waxa uu tilmaamay in hadda dalka uu joogo 2016, islamarkaana Afartii sano ee lsoo dhaafay aan la gaarin horumar siyaasadeed.

Wuxuu ku eedeeyey hoggaanka Madaxweyne Farmaajo inuu indhaha ka laabtay dalka in loo jiheeyo doorasho ka duwan tii 2016/17.

"Shaqo in la qabto ahayd ayaan la qaban, marka ugu horreyso oo ay dowladda doorasho ka hadasho waxay ahayd bishii July ee sanadkaan, Afar sano kadib, waxay ahayd in 2017-kii la shaaciyo dorashada iyo sidey u dhacayso..maanta in aan ku noqonno 2016-kii waxaa kallifay shaqo la qaban waayay, in dalka aanu gaarin horumar siyaasadeed" ayuu yiri Xasan Sheekh.

Dhanka kale, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoosta ka xariiqay in mudada uu talinayey Farmaajo lagu mashquulay oo kaliya sidii dadka Soomaaliyeed loo caburin lahaa, waddooyinkana looga xiran lahaa.

Farmaajo ayaa mudadii uu dalka maamulayey horseeday dib u dhac aad u weyn, iyadoo dalkana uu harreeyey musuq xooggan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.