Xasan Sheekh: Fahad NISA & Ciidanka ayuu dumiyay 

Ku dhowaad 15 musharax oo u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa shir uga furmay magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana lasoo xiray Maalintii koowaad ee Shirka. 

Warar Keydmedia Online
Xasan Sheekh: Fahad NISA & Ciidanka ayuu dumiyay 

MUQDIHSO, Soomaaliya - Murashixiinta ayaa Xukuumadda Farmaajo ku eedeeyeen inay diidan tahay in la abuuro jawi doorasho oo la isku halayn karo, ayagoo soo abuubulay maalintii koowaad ee Shirka. 

Mucaaradka ayaa sheegay in ay arkaan khatar ku wajahan dimuqraadiyadda curdanka ah ee dalka, waxeyna ku baaqeen doorashooyin xor iyo xalaal ah. 

Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Agaasimaha Nabad Sugidda Fahad Yaasin ku tilmaamay in uu dumiyay Siyaasaddii Soomaaliya, asigoo yiri: "Madaxtooyadda ayuu agaasime ka noqday, waa la ogyahay wixii Madaxtooyadda ka dhacay intuu agaasime ahaa. Hay'adda Nabad Sugidda ayuu tagay, waa la ogyahay wixii Nabad Sugidda ka dhacay. Wuu dumiyay (....) Ciidankii Dowladdana wuu dumiyay oo Nabad Sugidda ayuu ku kor dumiyay. Maantana siyaasadda waxa dumiyay waa asiga".

Murashaxiinta mucaaradka, oo intooda badan dib ugu soo laabtay Muqdisho, ayaa lagu wadaa inay soo saaraan bayaan wadajir ah oo ay ku diidayaan gudiga doorashooyinka ee hadda jira oo xubnihiisa inta badan ay yihiin Sirdoon iyo shaqaalaha dowladeed.

Farmaajo ayaa lagu eedeeyay inuu hanaanka doorashadda afduubey, islamarkaana uu doonayo inuu ku shubto codadka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.