Xasan Sheekh: Farmaajo maanta miyuu reer hebel noqday 

Wuxuu sheegay in Farmaajo aysan jirin waddo kale oo qiil loogu raadiyo sii joogitaankiisa.

Warar Keydmedia Online
Xasan Sheekh: Farmaajo maanta miyuu reer hebel noqday 

Madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dadka u rogaya in Farmaajo lagu mucaaradsan yahay qabiil ahaan ay tahay wax la doonayo in shacabka Soomaaliyeed lagu marin habaabiyo.

Waxa uu tilmaamay in Farmaajo uu hadda noqday qof jecel kursiga, islamarkaana iska indha tirayo waxa ay bulshada rabto iyo in dalka loo jiheeyo doorasho.

Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in shalay markii uu Farmaajo imaanayey ay Soomaali oo dhan u banaanbaxday, balse markii ay iska diideen maanta lo rogay arrintu iney tahay reer hebel.

“Shalay markii loo banaanbaxayey Madaxweynaha reer hebel muusan aheyn, maanta miyuu noqday reer hebel markii la dhahay waa qaldan tahay, horay ayaa loogu banaanbaxay Madaxweynaha reerkiisana ma aheyn ee dadka yaa la qaldin ayuu yiri” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Farmaajo ayaa aad u macaasaday kursiga, wuxuuna doonayaa in uu weli sii joogo si uu xukunka ugu sii haysto si sharci darro ah.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.