Xasan Sheekh oo dowladda ku eedeeyay in ay iibsadeen dhallinyaro

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu xalay jeediyay ku dhaliilay dowladda Soomaaliya siyaasaddeeda ku aaddan dhallinyaradii Eratariya loo qaaday

Warar Keydmedia Online
Xasan Sheekh oo dowladda ku eedeeyay in ay iibsadeen dhallinyaro

MUQDISHO, Soomaaliyeed - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isagoo ka hadlayay kulan looga mahad celinayay doorkii uu kulahaa dedaalkii uu ku bixiyay sidii dalka loogu jiheyn lahaa doorasho is ogol ah ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku aaddan siyaasadda dalka.

Si kulul ayuu uga hadlay dhalinyaro dalka Eratariya tababar loogu qaaday, kuwaasi oo ilaa hadda aysan waalidiintoodu war iyo wacaal toona u hayn, "Dhallinyaro Soomaaliyeed oo adinkoo kale ah ayaa inta la qaaday Eratariya la geeyay, qaar iyaga kamida waxaa loo sheegay in tababar loo qaadayo, qaar kale waxaa looga faa'iideystay fursad la'aanta iyo baagamuudada, waxaana loo ballan qaaday in shaqo lasiin doono, maantana war iyo wacaal looma haayo sidii loo qaaday!" ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Arrintan ku saabsan dhallinyarada la ciidameeyay ee inta Eratariya loo geeyay ka dagaallamay gobolka Tigreega ayaa soo shaac baxday dabayaaqadii sanadkii hore, xilligaas oo waalidiin badan ay isugu soo baxeen waddooyinka qaar kamida gobollada dalka iyo caasimadda Soomaaliya. Mar kale ayey arrinta cirka isku shareertay kaddib markii Qaramada Midoobay ay war ka soo saartay arrinta ku saabsan ciidanka ka dagaallamay Itoobiya.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay madaxweyne Farmaajo, Ra'iisul Wasaare Rooble iyo weliba sidoo kale Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo la sheegay isagana inuu door ku leeyahay maadaama ciidamadaasi la qaaday intii uu fadhiyay xafiiska.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 2 August 2021 18:19

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BJFS, Cabdi Xaashi Cabdullahi, ayaa ku gacan seyray dalab uu shalay u gudbiyay RW Rooble, wuxuuna soo bandhigay taalooyin xal looga gaari karo muran hareeyay kuraasta Soomaaliland.