Xasan Sheekh oo Fahad Yaasiin ka diiday in uu arin siyaasadeed kala hadlo

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Fahad Yaasiin oo ah agaasimaha hay'adda Sirdoonka u sheegay in uu arrimaha siyaasadda dalka kala hadlin, balse uu kala hadlo kaliya arrimaha ciidamada NISA oo mararka qaar loo adeegsado qalqal gelinta siyaasadda dalka, waliba doorashooyinka.

Warar Keydmedia Online
Xasan Sheekh oo Fahad Yaasiin ka diiday in uu arin siyaasadeed kala hadlo

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ahna guddoomiyaha Xisbiga UPD ayaa Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ka diiday in uu kala hadlo wax ku saabsan arrimaha siyaasadda dalka kadib kulan ay Muqdisho ku yeesheen.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Fahad Yaasiin oo ah agaasimaha hay'adda Sirdoonka u sheegay in uu arrimaha siyaasadda dalka kala hadlin, balse uu kala hadlo kaliya arrimaha ciidamada NISA oo mararka qaar loo adeegsado qalqal gelinta siyaasadda dalka, waliba doorashooyinka.

Taliyihii hore ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe oo ka tirsan Xisbiga UPD ayaa sheegay in kulanka labadaan masuul uu ahaa kaliya mid booqasho ah, islamarkaana aan looga hadal arrimo la xiriiro siyaasadda dalka, iyo magacaabista Ra'iisul Wasaaraha cusub.

"Dadka Soomaaliyeed waxaa u caddeynayaa anigoo ku hadlaya magaca Xisbiga UPD in aan la isku qaadin arrimo la xiriira Ra’iisul Wasaare, haddii la isku soo qaaday aan laga hoos-qaadin Taliyaha Nabadsugida, farriinta Madaxweynaha wuxuu ahaa yaa dalka qalqal la gelin, doorashada si nabad haloo qabto, Nabadsugida siyaasadda faraha hakala baxaan wixii hadda ka dambeeya. ”ayuu yiri Sanbaloolshe.

Sidoo kale Sanbaloolshe ayaa sheegay in marna Xisbiga UPD aanu ogolaaneyn doonin wax la dhaho dowlad wadaag, wax walbana ay doonayaan in lagu dhameeyo doorasho wada ogol laga yahay oo xilligeeda ku dhacdo.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ah unuga haatan laga hago siyaaaadda Farmaajo, waxaa uuna sidoo kale u kala dab qaadaa siyaasiyiinta qaarkood iyo dowladda Qadar oo galaangal xooggan ku dhex leh siyaaaadda Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 3 December 2020 6:01

Xaraashka Shidaalka Soomaaliya ee ka socda Turkiga ayaa imaanaya, iyadoo oo anay wali dhamaystirnayn hay'adihii uu sharcigu farayay inay ka shaqeeyaan arrimaha la xiriira khayraadka dalka.