Xasan Sheekh oo la kulmay safiirka Jabuuti ee Soomaaliya

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah kula qaatay hoyga uu ka daggan yahay magaalada Muqdisho safiirka dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Xasan Sheekh oo la kulmay safiirka Jabuuti ee Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Safiirka dowladda Jabuuti Aadan Xasan ayaa hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaaba uu uga mahadceliyay dadaalada Jabuuti ee dib u dhiska Soomaaliya.

"Sharaf ayey ii ahayd in uu maanta isoo booqday safiirka dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Ambassador Aadan Xasan Aadan. Waxaan uga mahadceliyay dadaallada dowladda Jabuuti ee dib u dhiska Soomaaliya. Jabuuti waa walaal & saaxiib na garab istaagay xilli adag" ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Xiriirka dowladda Jabuuti kala dhaxeeya xilligan dowladda Jabuuti ayaa aad u xumaaday kaddib markii madaxweyne Farmaajo uu la yeeshay iskaashi iyo xiriir cusub oo saddex geesood ah dowladaha Itoobiya iyo Eratariya, waxaana dowladda Soomaaliya ay ku eedeysay dowladda Jabuuti in ay gacan-bidixeeneyso arrimaha Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.