Xasan Sheekh oo lagu xabadeeyay Muqdisho

Waxaa goordhaw magaaladda Muqdisho lagu weeraray Xasan Sheekh Maxamuud, oo kamid ah Midowga Musharixiinta Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Xasan Sheekh oo lagu xabadeeyay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaw lagu rasaaseeyay xarunta maxkamadda Gobolka Benaadir

Ciidamo ku sugan agagaarka Maxkamadda gobolka Bamaadir ayaa rasaaseeyey baabuurkii uu saarnaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, sida ay Keydmedia Online u xaqiijiyeen ilo ku dhaw-dhaw madaxweynaha, ayagoo sheegay in uu ka badbaaday weerarkaas oo ay ku tilmaameen isku day dil.

"Ma ahan markii ugu horreysay ee ciidamada halkaas ku sugan ay weeraraan mas’uuliyiin wadadaas maraysa, waxaana laga sugayaa Raysulwasaare Rooble inuu tallaabo degdeg ah oo sharciga waafaqsan uu ka qaado ciidamadaas iyo ciddii ka danbaysay amarka weerarka" ayuu yiri Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlayay weerarkaas!

Weerarkii galabtay ayaa noqonaya kii saddexaad oo lagu beegsado madaxweynihii hore Xasan Sheekh isla markaana ku soo beegmaya markii la xalliyey xasradii ka taagnayd magaalada Muqdisho.

Horay waxaa loo weeraray 19 Febaraayo isaga oo ku sugan Hotel Maida oo ku yaal magaalada Muqdisho, sidoo kale waxaa lagu weeraray guriga uu hadda daggan yahay ee Mirinaayada xilligaas oo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay weerar toos ah kusoo qaadeen hoyga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuuud uu dagganaa.

Maanta ayaana mar saddexaad lagu weeraray agagaarka maxkamadda Gobolka Benaadir.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.