Xasan Sheekh: Waan guuleysaneynaa insha Allaah

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guul u rajeyeeyay guddiga ay Dowladda Fadaraalka u xil sartay, dacwada badda Soomaaliya ee Kenya muranka galisay.

Warar Keydmedia Online
Xasan Sheekh: Waan guuleysaneynaa insha Allaah

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku baaqay in meel la iska dhigo waxyaabaha lagu kala aragtida duwan yahay, hal meelna looga soo wada jeesto arrinta la xariirta badda Soomaaliya ee Keyna ay damacday in ay boobto.

Xasan Sheekh Maxamuud oo xilligiisii ay Soomaaliya Maxakamadda cadaaladda Adduunka geysay dacwada badda, ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay ku guuleysan doonto kiiskaan.

“Guul ayaan u rajeynayaa kooxda difaaca baddeena, waxaan ku baaqayaa in aan garab istaagno innaga oo meel iska dhigeyna waxyaabaha kale ee lagu kala aragti duwan yahay.  Difaaca baddeennu waa mas'uuliyadda qof kasta oo Soomaali ah. Waan guuleysaneynaa insha Allaah”.Ayuu yiri Xasan Sheekh.

Hogaamiyaha Xisbiga UPD, waxaa lagu xasuustaa inuu xilligii ololahiisa doorashadii 2017-kii, uu kiiskaan ku eedeeyay Dowladdii ka horreysay in ay dayacday, isagoo darka taliska ka riixaya raggaas oo uu is lahaa waxa ay cariiri kuugu gali karaan kurisaga.

Maanta ayay ballantu ahayd in labada dhinac isugu yimaadaan Maxakmadda, hayeeshee Kenya ayaa 11-kii bishaan Maarso ku wargalisay ICJ in aysan ka qeyb gali doonin dacwada la qorsheeyay waqtigeeda.

Guddiga iyo gar-yaqaanada u doodaaya Soomaaliya ayaa diyaar ah, halka ay Kenya codsatay in ay hadasho 30 daqiiqo, si ay u soo gudbiso sababta ay uga baaqatay Maxakamadda.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 3 August 2021 11:58

Waxaa la rumeysan yahay in Jibriil Saciid Cali Xuseen, ay gacantiisa ku maqan yihiin dad kale oo ajaaniib ah, kuwaas oo badankood la khaarijiyay kadib markii la isku fahmi waayay lacagihii ay Al-Shabaab u codsadeen madax-furashada.