Xasan Daahir Aweys oo kasoo horjeestay Go’aan kasoo baxay Axmed Godane

Muqdisho (Keydmedia) - Xasan daahir Aweys oo jeediyay Khudbad isagoo ka careysan hadalka kasoo baxay Horjogaha ugu sareeya kooxda Alqaacidada Soomalaiya ee Shabab ayaa sheegay in hadalka kasoo baxay Kooxda Cabdi Godane uu yahay mid si cad loogu banneysanayo Dhiigga Ummadda waxa uuna ka digay Xasan Daahir in Go'aankaas lagu sii adkeysto.
Warar Keydmedia Online
Xasan Daahir Aweys oo kasoo horjeestay Go’aan kasoo baxay Axmed Godane

Horjooge Xasan Daahir waxa uu ugu baaqay Shababka inay ka daayaan caburinta dadweynaha maadaama ay xaq u leeyihiin inay afkaartooda soo bandhigaan waxa uuna xusay in loo baahanyahay in qaab Qabiil iyo shaqsi shaqsi loo galo Dagaalka uu ugu magac daray jihaadka, isaghoo ku nuuxnuuxsaday in loo baahanyahay marka ay ka awoodroonaadaan dad uu ugu yeeray cadowga ay ka tashadaan aayaahooda oo ay sameystaan waxa ay doonaan.

Sheekh Xasan Daahir ayaa dadki uu la hadlayey u sheegay in ay ka baqayaan in ay runta sheegaan oo ay ka hadlaan qaladaadka Al Shabaab, balse uusan isaga ka baqeyn inuu runta abaaro sida uu hadalka u dhigay.

Horjoogeyaasha Shabab ayaa khilaafkooda soo jiitamayay maalmihii ugu dambeeyay iyadoo khilaafkooduna uu salka ku hayo kadib markii uu garawsaday Axmed Cabdi Godane in lagu haysto xilkiisa uu isu dhiibay kooxda Alqaacidda islamarkaasna ay horjoogeyaal ay kamid yihiin Roobow iyo Xasan daahir doonayaan inay sameystaan Nidaam ay Soomalida Shabaabka ah ku wada shaqeeyaan lagana hortago afkaarta ajaaniibta dambiileyaasha ah ee kusoo duulay Dalka.

Keydmedia.net - Xafiiska Muqdisho