Xasan Sh Maxamuud oo beeniyey in Khilaaf uu ka dhex jiro Dowladda

Muqdisho(KON)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa markii ugu horeeysay ka hadlay Khilaaf u dhaxeeya Madaxda Dowladda Soomaaliya.
Warar Keydmedia Online
Xasan Sh Maxamuud oo beeniyey in Khilaaf uu ka dhex jiro Dowladda

Xasan Sh ayaa sheegay in uusan jirin wax Khilaaf ah oo u dhaxeeya Hay’daha Dowladda Soomaaliya islamarkaana Xoogaa Madmadoow jiray xal laga gaary.

“Khilaaf Madaxda Dowladda Soomaaliya ka ma dhex jiro,laakiin Isfahan waa yar ayaa jiray,intii badneydna waa la xaliyey, oo dhaxdeena ayaa Xal ka gaaray”ayuu yiri Xasan Sh Maxamuud.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Shacabka ugu baaqay in ay Dowladda Soomaaliya Madaxdeeda ay kal sooni ku qabaan islamarkaana ay aan niyada la iska jabin.

Qaar kamid ah warbaahinta Caalamigaa ayaa Baahisay in uu jiro Khilaaf u dhaxeeya Madaxda Dalka Soomaaliya’Khilaafkaas oo Xal loo la yahay.

Keydmedia online – xafiiska Muqdisho