Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in uu soo dhowaynayo hadii looga soo horjeedo boorar iyo waliba fariimo qoran, laakiin wuxuu sheegay in laga gudbay xiligii qoriga.
“Waxaan leeyahay wax aan ka soo horjeedno ma jiraan aan is aragno aan ka hadalno wax walba, waxaa la yiraa Caruurtu Waraabaha waxay ka baqaan ayaga oo aanan arag waligood, marka wali ma aanan is arkine aan kulano” sidaasi waxaa yiri madaxweynaha Soomaaliya.
"Banaanbaxy" looga soo horjeedo madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxay ka dhaceen wadanka Maraykanka waxaana dadka dhigayay banaanbaxa ay ku dhawaaqayeen in madaxweynaha uu ka soo horjeedo maamul ay yeeshaan dadka gobalada Jubooyinka.
Sida Keydmedia Online horey usoo qortay Banaanka hore ee xarunta shirka wadada dhinaceeda kale ayaa waxa boorar mucaarad ah la istaagay qaar (50 Qof) kasoo jeeda jaaliyadda Maamulka Puntland ee magaaladaas, mana la garan karin sababta banaanbaxa mucaaradnimadu uu ku socday.
Qaar ka tirsan taageerayasha Maamulka Puntland ayaa maalinimadii Jimcaha ku dooday inay been tahay in Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamud uu la kulmay madaxweyne Obama, waxayse hadalkoodii dabciyeen markii Aqalka Cad uu soo saaray baaq wata masawiro labada madaxweyne oo shir uu u socdo.
Halkaan ka Aqriso Sababta iyo Warbixinta:- Guji Halkaan
Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments