Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Gudigaan oo Wakiil ka ahaa Xildhibaanadii Madaxweynaha ugu baaqay in uu iscasilo islamarkaana gaarayey ilaa 20 Mudane ayaa kulan ay Albaabadu u xiran yiin la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya.
Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa Keydmedia online u sheegay in qodobo dhowr ah,ay ka wada hadleen Gudiga Xildhibaanada Wakiilka ka ah iyo Madaxweynaha Soomaaliya.
Keydmedia ayaa heshay in Gudiga Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud la kulmay ee ka socday Xildhibaanadii ku kacsanaa ay isku soo dhawaadeen si loo xaliyo Khilaafka jira.
Mas’uul u hadlay Gudiga Xildhibaanada Madaxweynaha ka soo horjeeda ayaa sheegay in Qodobadii Madaxweynaha ay isla meel dhigeen ay ku Celindoonaan Xildhibaanada soo diray.
Waxaa jiray in Xildhibaano gaaraya 115 Xildhibaan ay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud ay ka gudbiyeen Bayaan ay ku Dalbanayeen in uu Iskacasilo Xilka ,maadaama uusan Dalka wax u qaban.
Keydmedia online – Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments