Xawaalada Mustaqbal laanteeda Degmada Waaberi oo la dhacay

MUQDISHO (Keydmedia) - Ciidamo ku lebisan Dareeska Ciidamada dowladda KMG ayaa Maanta waxa ay dhac u geesteen Mid kamid ah Laamaha Shirkadda Xawaalada Mustaqbal ee magaalada Muqdisho.
Warar Keydmedia Online
Xawaalada Mustaqbal laanteeda Degmada Waaberi oo la dhacay

Goobjoogiyaal ayaa sheegay in Ciidmada oo gaarayay 5 Askari ay xoog ku galeen Maanta Saacadihii hore, Xaruunta Shirkadda oo ku taalla Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir,waxaana ay ka qaateen Lacag gaaraysa 2800$ oo dollar.

Taliyaha Saldhiga Degmada Waaberi Axmed Xuseen Axmed oo warbaahinta la hadlay ayaa wuxuu sheegay in markii Falka dhaca ah loo geysanayay Shirkadda aysan jirin wax ilaalo ah oo Shirkaddu ay leedahay,taasi oo u sahashay Burcadda inay dhaca geesteen kaddib goobta ka baxsaday.

Axmed Xuseen Axmed taliyaha Saldhiga Degmada Waaberi ayaa sidoo kale sheegay inay ku raadjoogaan Kooxihii falkaasi dhaca ah geestay

Falalka lagu dhaco Xawaaladaha ayaan ahayn mid ku cusub Magaalada Muqdisho, iyadoo dhowr mar Kooxo hubaysan ay dhac u geesteen qaar kamid ah Xawaaladaha sida gaarka ah loo leeyahay eek u yaalla Muqdisho.

Keydmedia.net - Xafiiska Muqdisho