Xeer ilaaliyaha guud oo ka hadlay heshiiska Shidaalka

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka, ayaa soo saaray amar baaris loogu sameynayo heshiiska shidaalka ee Sabtidii uu saxiixay Wasiirka Wasaaradda Batroolka.

News Keydmedia Online
Xeer ilaaliyaha guud oo ka hadlay heshiiska Shidaalka

MUQDISHO, Soomaaliya - Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay, heshiiska uu Wasiirka Batroolka C/rashiid Maxamed Axmed, la saxiixday shirkadda Coastline Petroleum.

Suleymaan Maxamed, oo ka jawaabaya, Gal-dacwadeed baaris ah oo uu u diray Hanti-dhawraha Qaranka, ayuu Xeer-ilaaliyuhu sheegay inuu magacaabay Xeer-ilaaliyayaal baatitaan ku sameeya, si loo baritaaro baartaankii Hanti-dhowrka.

“Waxaan amray, Xeer-ilaaliyayaalna u magacaabay si baaris loogu sameeyo talaabada ku haboonna loo qaado heshiiskii shidaalka ee uu saxiixay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya iyada laga ambaqaadayo baaritaankii hordhaca ahaa ee uu sameeyay Hantidhowraha Guud”. Ayuu yiri Suleymaan.

Wasiirka Batroolka Eng C/rashiid Maxamed Axmed, ayaa xaqiijiyay in Farmaajo wax ka ogaa heshiiska uu u saxiixay Soma Oil and Gas, hayeeshee, Farmaajo ayaa dhankiisa ku inkiray Wasiirka kadib markii uu culeys kala kulmay baraha bulshadda.

C/rashiid iyo Farmaajo, waxa ay heshiiska ay la galeen Coastline Exploration LTD, doonayeen in ay ku qaataan 14 Milyan oo dollar, in kastoo wasiirku sheegay in ay lacagtu gaareyso 7 milyan oo dollar.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.