Xeer ilaaliyaha qaranka: Xil ka qaadisteyda xaq daro

MUQDISHO(KEYDMEDIA) C.llaahi Daahir Barre oo ahaa xeer ilaaliyihii qaranka ayna golaha wasiirada dhawaan ku dhawaaqeen in xilka laga qaaday ayaa waxa uu sheegay in xil ka qaadistiisa ay tahay xaq daro.
Warar Keydmedia Online
Xeer ilaaliyaha qaranka: Xil ka qaadisteyda xaq daro

“ Xaq uma lahan golaha wasiirada in ay xil iga qaadaan, waxaana arinta xil ka qaadista hadiiba ay jirto u xilsaarnaa hey’adaha garsoorka ee dowlada KMG ah” sidaa waxaa warbaahinta u sheegay isaga oo ay cara ka muuqato xeer ilaaliyihii xilka laga qaaday C.llaahi Daahir Barre.

Waxaa uu farta ku guday mr Barre in ay jiraan mas’uuliyiin ka tirsan dowlada oo lagu tuhmayo wax qabad darro iyo dhibaatooyin kale.

WWW.KEYDMEDIA.NET