Xidid la noqo Laftagareen si aad u noqotid Xildhibaan Qaran

Lafta-Gareen wuxuu ahaa Wasiir katirsanaa dowladda Farmaajo, oo doorashadiisii dhiig uu ku daatey, isagoo kursiga looga xoogey siyaasiyiin badan, oo uu ku jiro Mukhtaar Roobow, oo weli ku jira Xabsi mudo saddex sano gudaha Muqdisho, isagoo aan dembi lagu soo oogin ama Maxkamad lasoo taagin.

Warar Keydmedia Online
Xidid la noqo Laftagareen si aad u noqotid Xildhibaan Qaran

BAYDHABO, Soomaaliya - Cabdicasiis Lafta-Gareen, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, ayaa ku dhaqaaqay tallaabo bulshada Soomaaliyeed oo dhan ka yaabisay, kadib markii uu kuraasta Aqalka Sare ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maamulkaas, u xiray kaliya shaqsiyaad ay xidid, xigto iyo xabiib yihiin, isla-markaana uu ka reebay siyaasiyiinta miisaanka culus ee matala shacabka Bay iyo Bakool.

Sida ku cad liis ka kooban 10 musharrax oo u baratamaya shan kursi, oo shalay ka soo baxay xaafiika Lafta-gareen, waxaa ku jira labo tartaame, oo uu soddog u yahay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya, Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan, oo dhalay xaaska Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Xuseen Maxamed Daahir, waxaa u dhaxda haweeney la dhalatay xaaska Lafta-gareen, halka sidoo kale Aadn Cabdi Naasir, uu qabo haween la dhalatay labadaas marwo, oo dhamaantood uu aabe u yahay Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan, oo dadka qaar ugu yeeraan Taliye (Shub).

Sidoo kale wuxuu liiska tartamayaasha ku soo daray xaaska saaxiibkiis, Warsame Ibrow, oo ah Suldaanka beesha Jiido, halka mid ka mid ah shaqaalaha waaxda dowladaha hoose ee magaalada Baydhabo oo lagu magacaabo Maxamuud Maxaned Garabay, uu ku soo muuqday liiska.

Sidoo kale, waxaa musharixiinta berri tartami doona ee KG ka soo muuqday Ayaan Aadan, oo walaal labaad (Ilmo Adeer) la ah Cabdicasiis Lafta-gareen.

Sida ka muuqata liiska, wuxuu Lafta-Gareen ka reebay xubnaha Mucaaradka, oo ay kamid yihiin Senatar Xuseen Sheekh Maxamuud oo ahaa Xoghayaha Xisbiga Xasan Sheekh ee UPD iyo Senetar Ilyaas Cali Xasan oo ahaa Xoghayaha Arrimaha Dibadda Xisbiga Sheekh Shariif ee Himilo.

Magacyada tartamayaasha Musharaxiinta Aqalka Sare ee kasoo galaya Koonfur Galbeed qeybtii ugu horeysay waxay noqdeen Kooxda Farmaajo iyo Fahad hoggaamiyaan, waana wax laga filayay Lafta-Gareen iyo madaxda kale ee ku xiran Villa Somalia.

Lafta-gareen, wuxuu ku fadhiyaa kursi dhiig leh oo Farmaajo ku fariisiyay, wuxuuna ku yimid doorasho boob ah iyo caaradda qorayga ciidanka Itoobiya, macquulna maaha inuu qabto doorasho xalaal ah, sida ay aaminsan yihiin shacabka iyo siyaasiyiinta Koofur Galbeed.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 18:56

Khabiir amni ayaa ku doodaya in loo baahan yahay in la furo baariska dilkii Injineer Yariisow, si xal loogu helo, xaaladda cakiran ee la xariirta baarista kiiska Ikraan Tahliil Faarax, iyo saraakisha kale ee NISA.